Galmudug oo ka hadashay qaraxyada ay dada ku dhinteen

0
391

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa sheegay in labo qarax oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay mid ka mid ah ku dhinteen 8 ruux oo ay ku jirto carruur, halka midka kalana ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo baabuur isla saarnaa.
Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dhallinyarada ku dhaawacantay loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyadooda.
Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug aaya tilmaamay in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaato ku haayaan dadka.
Dadka Maanta qaraxyada Miino ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxaa ay kamid ahaayeen dadkii ku barakacay dagaaladii ka dhacay degaanka Bacaadweyne balse Maanta dib ugu laabanayay.