Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Somalia

0
527

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha wadanka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta Kenya soo gaaray ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay aqalka madaxtoouada ee magaalada Mombasa .
Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa wafdiyada labada dal ee dariska ah.
Labada wafdi ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah kaas oo u dhaxeeya danaha Kenya iyo Somalia.
Muhimada kulankan ayaa ahaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015-kii.
JCC ayaa qeexaya baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.