Puntland oo shaacisay xilliga ay doorashada aqalka sare qabanayso

0
470

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa Maanta magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee qeybta ka imaaneysa degaannada Maamulka Puntland.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 Xubnood kaliya ayaa loo xilsaaray qabashada doorashada 11-ka Xubnood ee Puntland ku leedahay Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiinta loo Xilsaaray shaqada Doorashada Aqalka Sare ayaana Magacyadooda waxay kala yihiin.
Xil. Axmed Jaamac Cabdulle oo Guddoomiye looga dhigay waxaana Xubno ka ah Xil. Sharmaarke Cali Cilmi, Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri,Xil. Cabdirisaaq Maxamed iyo Xil. Cabdiqani Nuur Faarax.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca ay dhaceyso doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa deegaanada Maamulka Puntland.
Magacaabida Gudigaan ayaa Imaanaysa Xilli Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu soo saaray liiska 22-ka musharax oo ku tartamaya 11 Kursi oo Puntland ku leedahay aqalka Sare ee Soomaaliya.
Xubno horay uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihiin Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka soo dhex muuqan liiska cusub ee Xubnaha uu soo saaray Magacyadooda madaxweyne Deni,waxaana ka soo dhex Muuqday ilaa Afar ka mid ah Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.
Xubnaha Wasiirada Puntland ka Tirsan eek a soo dhex Muuqdau Liiska uu Xalay shaaciyay Madaxweyne Deni waxaa ka mida Wasiirka Warfaafinta Puntland C/laahi Cali Xirsi,Wasiirka Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan sidoo kale waxaa Xusid Mudan inuu Liiskaan ku jiro Madaxweynihii hore ee Puntladn C/raxmaan Faroole oo horayna uga Mid ahaa Sanatarada Waqtigoodu dhamaaday.
Maxamed Cali Yuusuf oo isna Horay u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka soo Muuqday magacyada Musharaxiinta Aqalka Sare ee uu Madaxweyne Deni Xalay soo saaray iyo sidoo kale Daahir Ayaane Saciid oo ah Ganacsade ay Madaxweynaha Puntland aad isugu dhowyihiin.
Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta hablo ah oo kaliya.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare wuxuuna hada noqonayaa Hogaamiyihii Maamul Goboleed ee ugu Horeeyay oo Hal mar soo wada Saaray Xubnaha aqalka Sare u Tartamaya ee deegaanadiisa ka imaanya.
Hogaamiyeyaasha Maamulada Jubaland iyo konfur Galbeed ayaa horay u soo kala Saaray Afar Xubnood iyo Shan Xubnood oo aqalka Sare deegaanadooda ka soo Galaya kuwaasoo Bishii Hore la doortay.
Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubaland Koonfur Galbeedna ay noqotay Maamulkii Labaad oo Doortay Qaar ka mid ah Xubnaha aqalka Sare.