Shaqaalaha dowladda oo lagu khasbayo inay qaataan tallaalka COVID19

0
604

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Joseph Kinyua ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in shaqaalaha u adeego bulshada ee dowladda u shaqeeya laga doonayo inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Waxaa amarkan la siiyay xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda.
Shaqaalaha dadweynaha ayaa loo qabtay ilaa 23-ka bishan inay cudurka iska tallaalaan hadii kale laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Mr. Kinyua ayaa sheegay in la ogaaday in qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ay diideen in la tallaalo si ay guriyaha u soo joogaan iyagoo sheegaya inay halkaasi ka soo howlgalayaan.
Tani ayuu xusay inay saameyn ku yeelatay habsami u socodka adeegga dadweynaha.
Kinyua ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda la siin doono mudnaanta koowaad ee tallaalka.
26-kii bishii saddeexaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu tallaalka COVID19 qaatay madaxweyne Uhuru Kenyatta isagoo xilligaasi howlwadeenada dowladda ugu baaqay in ay ku daydaan.