AKHRISO:Puntland oo noqotay maamulkii ugu horreeyay ee hal mar ku dhawaaqa liiska xubnaha musharraxiinta aqalka sare

0
501

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka Xildhibaan ee Puntland ku leedahay aqalka Sare ee Soomaaliya kuwaasoo ku matalaya afarta sano ee soo socota.
Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihiin Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka soo dhex muuqan liiska cusub ee Xubnaha uu soo saaray Magacyadooda madaxweyne Deni.
Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta haweenka ah oo kaliya.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare.
Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.