DHAGEYSO:Muxuu yahay ujeedka safarka Rw Roobe ee Nairobi?

0
481

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu Maanta u amababaxo Caasimadda wadanka Kenya ee Nairobi, si uu ula kulmo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Safarkaan ayaa waxaa uu kadambeeyay ka dib markii wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Awour Omamo ay Maalin ka hor tagtay Muqdisho ay casuumaad soo gaarsiisay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Kenya ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, isku socodka safarka iyo arrimo kale.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu soo celinayo xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, labada dowladood oo uu ka dhaxeeyay waxyaabo ay kamid yihiin Amniga Ganacsiga iyo waxyaabo kale.