Dowladda oo sheegtay inay burburiyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay

0
447

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda Caalamka ayaa sheegay inay ka hortageen gaari waxyaaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in Shacabka Soomaaliyeed lagu Dhibaateeyo.
Qoraalka lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheeegay in gaarigaasi uu siday waxyaabaha qarxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, kuwaasoo dhammaantood la baabi’iyey.
Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka hortageen baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayagoon wax dhib ah wali lagu Gaysan.