Ruto oo raaligeliyay ganacsadaha Turkiga Haaruun Aydiin

0
646

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in la dhibaateeyay ka dibna laga dalbaday inuu wadanka iskaga baxo ganacsadaha u dhashay Turkiga ee Haaruun Aydiin kaasoo maalmo ka hor xabsiga la dhigay.
William Ruto ayaa xaqiijiyay inuu la xiriiray Aydiin isagoo intaa ku daray in xariggisu uu ahaa mid siyaasadeysan.
Waxaa uu ka raaligeliyay dhibaateyn uu sheegay in loo gaystay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa hay’adaha dowladda ku eedeyay inay fulinayaan dano siyaasadeed oo aan micno wayn lahayn.
Ganacsada oo ay saaxiibo yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa lagu eedeyay maalgelinta argagixisada in kastoo aan dacwad rasmi ah lagu soo oogin.
Shalay ayay ahayd markii qareenka u doodaya ganacsadaha, Axmadnaasir Cabdullahi uu sheegay in aan la tarxiilin balse uu si iskiis ah uga tagay Kenya.