Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Heart ee wadanka Afganistan

0
588

Dagaal culus ayaa lagu soow aramaya inuu ka socdo galbeedka Heart ee dalka Afgaanistaan taas oo u dhaw xadka wadanka Iran.
Dagaalkan ayaa waxaa xaqiijiyay saraakiisha ammaanka ee Afgaanistan.
Arif Jalali, oo ah madaxa Isbitaalka Herat Zonal, ayaa sheegay in 36 qof ay dhinteen, halka 220 kalena ay dhaawacmeen 11kii maalmood ee la soo dhaafay.
In ka badan kala bar dadka dhaawacmay ayuu ku sheegay in ay ahaayeen rayid, waxaana sido kale ku jiray dakii ku nafwaayay dagaalka haween iyo carruur.
Dhica kalena Jarmalka ayaa ku gacan seyray dalabkii ahaa in ciidamadiisa ay ku laabtaan gudaha dalka Afghanistan
Wasiirka gaashaandhigga Jarmalka ayaa diiday baaqyo ku aaddanaa in askartooda ay ku laabtaan Afganistan kadib markii fallaagada Daalibaan ay qabsadeen magaalada Kunduz halkaas oo muddo toban sano ah la geeyay ciidamada Jarmalka.
Jarmalku wuxuu ahaa dalka labaad ee milateriga ugu badnaa lageeyay Afghanistan marka laga reebo Maraykanka, isagoo ku waayey dagaalka Kunduz tiro badan oo ciidamo ah.
Saraakiisha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay dib ula wareegi lahayeen gacan ku haynta magaalada Kunduz.
Shalay ayay ahayd markii Kooxda Taalibaan ay magaaladan qabsatay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shacabka ay barakacayaan iyagoo ka cararaya isku dhacyada Taalibaan iyo ciidamada dowladda Afghanistan.
Dadweynaha ayaa sheegaya in dhawaqa rasaasta la isweydaarsanaya iyo qaraxyadu ay yihiin kuwo joogto ah.
Taalibaan ayaa wali xoojinaysa inay gacanta ku dhigaan magaalooyiin dhowr ah ee dalka Afgaanistan.
Magaalooyinka Aibak iyo Sar-e Pul waxay ku biiraan saddex caasimad goboleed oo kale oo hadda si buuxda gacanta ugu hayaan Talibanka.
Taaliban magaalooyiinka ay qabsadeen waxaa ka mid ah Zaranj, caasimadda galbeedka gobolka Nimruz; magaalada Sheberghan, caasimadda waqooyiga gobolka Zawzjan; iyo magaalada Taleqan