Ciidamada Afghanistan oo ku dadaalaya inay dib ula wareegaan Kunduz

0
506

Saraakiisha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay dib ula wareegi lahayeen gacan ku haynta magaalada Kunduz.
Shalay ayay ahayd markii Kooxda Taalibaan ay magaaladan qabsatay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shacabka ay barakacayaan iyagoo ka cararaya isku dhacyada Taalibaan iyo ciidamada dowladda Afghanistan.
Dadweynaha ayaa sheegaya in dhawaqa rasaasta la isweydaarsanaya iyo qaraxyadu ay yihiin kuwo joogto ah.