DHAGEYSO:Xeer ilaalinta Puntland oo sheegtay inay sii kordhayaan tacadiyada dumarka loo gaysanayo

0
503

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamul goboleedka Puntlanda Maxamed Xareed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad sare ugu kaceen sanadadii ugu dambeeyay falal dambiyeedyada Haweenka loo gaysanayo ee deegaanada Maamulkaas arrintaasna ay doonayaan inay Talaabo cad ka qaadaan.
Wuxuu sheegay in Xafiiska Xeer Ilaalinta Puntland oo wado qorsheyaal iyo sharciyo adag oo lagu Xakamaynayo Xadgudubka dumarka ka dhan ah ee dadka qaar ay caadada ka dhigteen.
Waxaa intaa ku daray in deegaanada Soomaaliya ku soo bateen Xadgudubyo aad u foolxun oo dumarka loo gaysanayo sida in ka gabdhaha la kufsado six un loo dilo oo la jarjaro sidoo kale Maydkeeda la qariyo arintaas oo Xeer ilaaliyuhu sheegay inay tahay dhaqan aad u xun oo aan dadka Soomaaliyeed horay loogu aqoon.