Xaaladaha COVID-19 ee dunida oo kor u dhaafay 100 milyan

0
602

Guud ahaan caalamka waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 100 milyan oo ah kiisaska caabuqa corona halka ay u dhinteen 2.1 milyan oo qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah wadamada dunida ay la daalaa dhacayaan nooca cusub ee fayraska corona iyo tallaalka lagula tacaalaya cudurka.
Boqolkiiba 1.3 oo ka mid ah tirada dadweynaha ku nool caalamka ayuu ilaa iyo hadda haleelay cudurka COVID-19.
Tan iyo billowgii sanadkan waxaa uu cudurka wax ka yar 8 ilbiriqsi saameynayay hal qof.