Kulan ku saabsan amniga Wajeer iyo Isiolo oo la qabtay

0
370

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isagoo kaashanaya isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana , dhigiisa bariga dalka Isiah Nakoru iyo madax kale ay ka qayb galeen shir diiradda lagu saaray nabad galyada.
Waxaa si gaar ah looga hadlay sida xal loogu helo karo isku dhacyada ku soo noqnoqday shacabka dowlad deegaanada Wajeer iyo Isiolo ee dariska ah.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa sheegay in iskudhacyada ay inta badan salka ku hayaan kheyraadka iyo xuduudda iyadoo dagaallada lagu burburiyay hanti sidoo kalena dad lagu dilay halka barakac uu ka dhashay.
Mr. Axmad ayaa intaa ku daray inuusan jirin horumar wax ku ool ah oo la gaari karo hadii aynan jirin xasilooni buuxda.
Guddi iskudhaf ah oo qaabilsan arrimaha ammaanka ayaa kulanka ka dib soo saaray qodobbo dhowr ah sida in si degdeg ah loo joojiyo adeegsiga hubka.
Maalinka Isniinta madaxda ismaamullada Wajeer iyo Isiolo ayaa shirk u yeelan doono magaalada Nairobi.
Sidoo kale waxaa kulamo dheeraad ah lagu qaban doonaa degmooyinka Merti iyo Hadaado.
Sidoo kale dhinacyada dagaallamaya waxaa lagu amray inay wareejiyaan hubka ay adeegsanayaan.
Guddoomiye xaafadeedyada waxaa lagu amray inay qabtaan shirar wacyigelin ah oo la xiriira nabadgalyada.