Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in uu ka tegay kabtankeedii Lionel Messi oo cimrigiisa oo dhan usoo ciyaarayay, kaddib markii ay burbureen wada-hadalladii ugu dambeeyey oo ay maanta oo Khamiis ah yeesheen.
Barcelona waxay sheegtay in aanay suurtogal ahayn in uu Lionel Messi heshiis cusub u saxeexo kooxda sababo la xidhiidha duruufaha dhaqaale ee ay kooxdu ku jirto iyo shuruucda horyaalka La Liga.
War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan: “Inkasta oo FC Barcelona iyo Lionel Messi ay gaadheen heshiis, labada dhinacna ay si cad uga go’nayd in ay heshiis cusub saxeexaan maanta, haddana tani ma dhacayso sababo dhaqaale iyo caqabadaha qaab-dhismeedka [shuruucda horyaalka La Liga].
“Xaaladdan darteed, Lionel Messi masii joogi doono FC Barcelona. Labada dhinacba waxay si weyn uga xun yihiin in aan doonista ciyaartoyga aanay haba-yaraatee kooxdu fulin karaynin.
“FC Barcelona waxay si kal iyo laab ah ugu mahad-celinaysaa ciyaartoyga kaalintii uu ku lahaa guulihii kooxda, waxaananu u rajaynaynaa wanaag oo dhan mustaqbalkiisa shaqsi ahaan iyo noloshiisa xirfadeed ba.”
Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa hore u abqalay in uu mushahar dhimis 50 boqolkiiba ah u sameeyo Barcelona, waxaana toddobaadyo ka hor ay kooxdu sheegtay in ay heshiis wada gaadheen xiddigan kaliyana ay u dhinnayd saxeexa, hase yeeshee mar kaliya ayay wax walba burbureen.