Afhayeenka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo lagu magacaabo David Mugonyi ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay hadal uu yiri xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka Dr. Karanja Kibicho.
Kibicho ayaa sheegay in William Ruto dhawaan laga hor istaagay inuu u safro wadanka Kenya dariska la ah ee Uganda maadaama uunan sidan dokumeenti looga baahnaa.
Hasa ahaate Mr. Mugonyi ayaa xusay in aynan jirin dokumeenti oggolaansho ah oo laga doonayo inay soo bandhigaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa si ay dalka dibadiisa ugu safraan.
Sidoo kale waxaa uu afhayeenka Ruto sheegay inuusan jirin xeer ama wareego ay soo saareen golaha wasiirrada oo arrinkan ku aaddan.