War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in, “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu adkeynayo in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.
Iyadoo la tixraacayo warqadda ka soo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) sumadeedu tahay TRX/010/AG/2021, kuna taariikheyrsan 4/08/2021, Ujeedadeeduna tahay Doorashada Guddoonka gudiga doorashada Soomaaliland (SEIT), ayaa guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay fuliyaan Jadwalka doorashada Guddoonka guddiga.
Sidaa darteed hay’adaha dowladaha ee arrintani quseyso waa inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga, daneeyeyaasha caalamiga ah waxay u fasaxanyihiin kor joogteynta doorashada guddoonka guddiga.
Intaasi Kadib War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa waxaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.
Qoraalka oo ku socday guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada Guddoonka ay dhici doonto 7 bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ee todobaadka soo socda.
Horay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa, iyagoo laba garab ah ay kala doorteen labada Guddoon kadib khilaf soo kala dhex-galay, hayeeshee doorashadaas ayuu baabi’yay Ra’iisul Wasaare Rooble kadib markii uu gudigaan Kulan la yeeshay.
Dhanka kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeele Cabdixakiim Luqmaan ayaa Soo magacaabay Xubnaha Gudiga Qabanaya Doorashada Aqalka Sare ee deegaanad Maamulka Hirshabeele.
Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaayna ka shaqeyn doonaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ka soo galaya deegaanada Maamul goboleedka Hirshabeelle