DHAGEYSO:Duqa Caasimadda Muqdisho oo kormeeray waddooyinka ay saameeyen roobabkii da,ay

0
439

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ugu kuur galayay Howsha ka socta magaalada robabkii ka da’ay iyo shaqadii ay ka qabteen shaqaalaha Dowladda Hoose.
Guddoomiye Cumar ayaa xusay in maamulka uu dadaal ku bixinayo sidii biyaha looga nadiifin lahaa waddooyinka xirmay ee ay roobabku degeen, ayna ka shaqeynayaan Waaxda Nadaafadda dowladda Hoose oo kaashanaya booyado.