Dowladda oo leesimada ka qaadaysa maqaayadaha aan ilaalin xeerarka COVID19

0
541

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in leesinka lagu diiwaangeliyay lagala laaban doono oo aan muddo hal sano ah lagu wareejinayn maqaaxida hadii maamulkeeda uunan si buuxda ugu hoggaansamin tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska Najib Balala ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad badan oo ka soo safro waddamada kale ee caalamka kuwaasoo ku soo dego kana cunteeya maqaayadaha.
Balala ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo wadanka yimaada ama ku sugan uu xoogga saaro badbaadinta noloshiisa iyo si guud bulshada.
Waxaa uu intaa ku daray in tirada ugu badan ee dalxiisayaasha la qaabilaya ay yihiin kuwa wadamadoodu uu ku badan yahay tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaalada Nairobi ka soo degay dalxiisayaal dhan 300,000.