Wasaaradda caafimaadka ee dalka Thailand ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaangelisay 20,200 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.
Waxaa sidoo kale mudadan gudaheeda wadankaasi cudurka ugu dhintay 188 qof oo dheeraad ah.
Tirada guud ee kiisaska COVID19 ee Thailand ayaa hadda ah 672,385 halka dhimashada guud ay tahay 5,503.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Thailand ay shalay soo rogtay xayiraado dheeraad oo ay ka mid tahay bandow la saaray 29 gobol in kastoo arrinkan dib u eegis lagu sameyn doono 18-ka bishan sideedaad.