Shacabka Afaganistan oo loogu baaqay inay ka qaxaan magaalada Lashkar Kah

0
448

Taliye sare oo ka tirsan milatariga wadanka Afghanistan ayaa ku amray dadka deegaanka inay isaga baxaan magaalada go’doonsan ee Lashkar Gah oo ku taalla koonfurta Afghanistan.
Ciidanka dalkaas ayaa diyaarinaya guluf ballaaran oo ay kaga saarayaan dagaalyahannada Taalibaan goobaha ay heystaan .
Seddax maalmood ayaa dagaal culus waxaa uu ka socda Koonfurta dalka Afgaanistan.
Kooxda Taalibaan ayaa qabsatay inta badan miyiga Afghanistan tan iyo markii ciidamada shisheeye ay bilaabeen ka bixintaankooda wadanka Afganistan.