Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ugu danbeeyn ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee (KEPSA) uu oggolatay in ay dalka keenaan talaalka cudurka COVID-19.
Guddoomiyaha ururkan Florah Mutai oo shacaa ka qaadday arrintaan ayaa sheegtay in loo ogolaaday in ay dalka keenaan hal milyaan oo talaalka cudurka ah iyaga oo u maraya hay’adaha dowlada.
Waxay sido kale sheegtay in ganacsatada dalka ay gacan ka geysan donaan tallabadan maadaama dagaalka ka dhanka cudurka COVID-19 uu sii xoogeysanayo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa hooran sheegay in aysan jireyn shirkad gaar loo leeyahay oo ku lug lahaaneyso soo iibinta talaalka cudurka COVID-19.
Arrintan oo lagu dhawaaqay bishii saddexaad ee sanadkan ayay sababta ku sheegen saraakiisha caafimaadka in haddi shirkadaha gaarka loo leeeyahay ay ku lug lahaadaan keenista tallaalka ay ka dhalan karta in dalka la keeno talaalo been abuur ah.
Dowladda ayaa xoojiisay in shirkadaha gaarka loo leeyahay kaliya loo ogolyahay in ay ku ku biiraan qorshaha tallaalka kadib markii ay dejiyeen nidaam hufan oo loogula xisaabtami karo si loo hubiyo badbaadada iyo caafimaadka dadweynaha.