Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cuamr Filish oo Maanta Warbaahinta Magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in heerka Waxbarashada Gobolka Banaadir aad u Hooseeyo tirakoobkii ugu dambeeyay ee lagu Sameeyay Waxbarashada gobolkaasi.
Waxaa lagu Cadeeyay in Boqolkiiba 88 dhallinyarada Muqdisho aysan waxba Baran halka 12 oo kali ah boqolkiiba ay waxbartaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo Caasimadda ku nool ay Noloshaa ka dhaceen oo ay Darbi jiif nodeen arrintaas oo uu sheegay inay tahay wax aad looga Xumaado Xalna u baahan.