DHAGEYSO:Xisbiyada ANC, Wiper iyo Ford-Kenya oo si rasmi ah isaga baxay NASA

0
514

Ka dib markii maalmo ka hor xisbiga ODM uu shaaciyay inuu isaga baxay isbaheysiga NASA ayaa saaxiibadii hore ee ay ka wada tirsanayeen sanadkii 2017-kii iyaguna maanta si rasmi ugu dhawaaqeen inay ka isaga baxeen isbahaysigii mucaaradka.
Kulan ay yeesheen xildhibaanada iyo hoggaamiyaasha xisbiyada Wiper, ANC iyo Ford- Kenya ayay saddexda xisbi ku dhawaaqeen in aysan hadda ka tirsanayn NASA.
Hoggamiyeyaasha saddexda xisbi siyaasadeed ANC, Wiper iyo Ford-Kenya ee kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa saxiixay waraaqaha ka bixitaankooda NASA ka dib markii ay la tashiyo la sameeyeen xubnaha xisbiyadaasi.
Bayaan ay si wadajir uu soo sareen madaxda xisbiyadaan ayay ku sheegeen inay si cad ugu wargelinayaan shacabka Kenyaanka go’aankooda shakhsiyeed ee ah inay ka baxeen isbahaysiga NASA.
Tani ayaa ka dhigan in isbaheysigii NASA uusan si jirin doonin islamarkaana uu burburay.
Afhayeennada xisbiyada Wiper, ANC iyo Ford- Kenya ayaa xusay in warqadaha oggolaanaya ka bixitaankooda NASA ay u gudbiyeen xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka si tallaabo uu u qaado.
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ANC, Wiper iyo Ford-Kenya ee kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa haatan xor u ah in ay isbaheysi cusub sameystaan ka hor doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka
Siyaasiyiinta ayaa haatan ku mideysan isbeheysiga la magac baxay One Kenya Alliance (OKA).
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan xoojinta isbeheysiga cusub ee OKA.