Ugu yaraan 250,000 qof oo kamid ah bulshada ismaamulka Garissa ayaa wajahayo maclul aad u daran.
Tani ayaa imaaneyso iyadoo wali qaybo badan oo ka mid ah dalka ay ka jirto abaar, sidoo kale in ka badan hal milyaan oo xoolo ah ay bahi daran uu qaabaan daaq iyo biyo.
Abaarta ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay in dalka uusaan ka da’iin roobkii la filaayay bilihii la soo dhaafay.
Dadka deegaanka ayaa dowladda ka codsaday in ay soo faragaliso xaladda ay wajahayaan ayna wax ka qabato.
Waxaa ay sheegeen in maalmo ay biyo la’aan noqdaan dad iyo dunyaba balse kaliya ay helan biyo booyaad ah oo ay ugu deeqdo dowladda ismaamulka xilliyo qaar.
Sidoo kale carrurta ka yar 5-ta sano ayaa la sheegay inay halis ugu jiraan nafaqo xumo sababo la xarira cuno yari.