23 garsoorayaal oo ka howlgala maxkamadda sare dalka ayaa lagu wadaa in loo wareejiyo saldhigyo kala duwan oo ku yaalla wadanka.
Waxaa isbeddelladan ku dhawaaqday madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome.
Isbeddellada ayaa lagu wadaa inay dhaqan galaan 1-da bisha Tobnaad ee sanadkan.
Tan iyo markii ay xilka ay la wareegtay, Ms. Martha Koome ayaa dhowr isbeddel ku sameeyay garsoorka dalka taas oo qayb ka ah dadaallada dib u habeynta lagu sameynaya howlaha maxkamdaha.
15-kii bishaan ayay ahayd markii madaxa cadaaladda ee dalka ee isku -shaandhayn ku samaysay 18 ka mid ah xaakiinada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee (ELC).
Martha Koome ayaa ujeedada laga leeyahay isbeddelladan ku sheegtay wanaajinta adeegyada ay maxkamaduhu u fidiyaan kenyaanka.