Jubbaland oo sheegtay inay ka falcelin doonto qaraxii lala eegtay cayaartoyda

0
626

Taliska Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ahaa mid lagu xiray gaari.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday Gaari Bas oo ay saarnaayeen kooxda kubadda Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo, kuna sii jeeday Garoonka Waamo ee Magaaladaas.
Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen saddex kamid ah Cayaartoyda kooxda JCCI iyo darawalkii waday gaariga, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo kawada tirsanaa naadigaasi.
Waxaa uu tilmaamay inay Jawaab Deg-deg ka bixin doonaan qaraxii lala beegsaday Ciyaartoyda, islamarkaana falkaas dhacay ay baaritaano kala duwan ku wadaan laamaha amniga Jubbaland.
Afhayeenka ayaa falkan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-shabaab, wuxuuna shacabka kunool Kismaayo ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortaggo falalka amniga lidka ku ah.
Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo ayaa xilligii la qarxinayay kusii jeeday, Garoonka kubadda Cagta ee Waamo Stadium oo shalay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamdd Islaam (Axmed Madoobe) ka daah-furay horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.