Shan iskuul oo ku yaalla galbeedka Laikipia oo amni xumo darteed loo xiray

0
610

Waxaa albaabada la isugu laabay shan iskuul oo ku yaalla deegaanka galbeedka ismaamulka Laikipia ka dib markii aagaas ay sare u kaceen kiisas la xiriira burcadnimada iyo dhaca xoolaha.
Arday dhan 2,000 oo wax ka baranayay dugsiyada halkaasi ku yaalla ayaa haatan la ogeyn halka waxbarashadoodi ku dambeyn doonto iyadoo maalinkii Isniinta ee toddobadkan dib loo furay dugsiyada ee sanad-dugsiyeedka koowaad ee waxbarashada.
Waalidiinta ardaydan ayaa walaac ka muujiiyay dhibaatooyinka halkaasi ka jira iyaga oo u baqaya badqabka carruurtooda.
Waxaa ay xiritaanka xarumahan kusoo aadeysa maalin uun ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i uu ku tagay deegannada ku yalla ismaamulka Laikipia.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga hor tago fal kasta oo wax u dhimi karo xasiloonida dadka kunool ismaamulkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay soo afjaridda colaadda u dhexeysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda ismaamulka Laikipia.