Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in bandowga habeenkii uu sidiisa si ahaanaya taas oo micnehedu tahay inuu bilaabanaya 10-ka fiidnimo ila iyo 4-ta aroornimo.
Amarkan ayaa sidoo kale kasii jirayo 13 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Nyanza iyo galbeedaka dalka oo u bandowga ismaamulladan bilaabanaya 7-da fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo.
Waxaa meesha laga saaray dhammaan isu imaatinka dadweynaha ilaa muddo 30 cisho ah.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in Ismaamullo ay ka mid yihiin Kiambu, Kajiado, Lamu Nairobi, Muranga, iyo Tana River la qiimenaya xaaladaha cudurka ka dib markii kiisaska maalinlaha ee dowlad deegaanadaan kordheen.
Waxaa uu intaa ku daray in isu soo baxyada siyaasadeed ay sababeen in kiisaaska uu kordho ismaamulladan.
Goobaha cibaadada ayaa sii furnaanaya , iyadoo lagu boorriyay dhinacyada ay khuseyso inay hubiyaan u hoggaansanaanta tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Dhanka kale milkiilayaasha ayaa laga codsaday inay u oggolaadaan shaqaalahooda inay kasoo shaqeeyaan guryahooda, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada daruuriga ee muhiimka ah.
Qofkii dhinta waa in la aasaa muddo 72 saacadood gudahood ah.
Mr Mutahi ayaa sheeghay in wasaaradda arrimaha gudaha ay qaban doonto shir looga hadlayo sida ugu wanaagsan ee lagu hubin karo in 50 qof oo ka mid ah qoyska qofka geeriyoodoy ay ka qayb galaan aasaka.
Dhina kale abaandulaha booliska dalka ee Hillary Mutayambai ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay dhaqan gelin doonaan dhammaan amarrada la soo jeediyay