Cilmi baaris ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 72 boqolkiiba shacabka kenyaanka ay rumeysan yihiin in waddanku uu ku socdo jaho qaldan.
Waxaa ay arrinkan u aaneeyeen qiimaha nolosha oo sare u kacay, heerka shaqo la’aanta oo aad u sarreysa, siyaasadda iyo saameynta cudurka sii faafaya ee COVID-19.
TIFA ayaa sheegtay inay darasaadkan sameysay intii u dhaxeysay bishiii hore iyo bishaan.
Sahankan ayaa looga hadlay arrimo badan oo muhiim ah oo khuseeya dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha dadweynaha.
Boqolkiiba 12 ee dadka la wareystay ayaa aaminsan in wadanka uu ku socdo waddada saxda ah.
Boqolkiiba 47 ayaa rumeysan in dhaxalka ugu weyn ee madaxweynaha dalka uga tagaya uu yahay kaabayaasha dhaqaalaha, mideynta shacabka iyada oo lagu saleeyay is-afgaradkii Uhuru iyo Raila oo ay dhinac iskaga dhigeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeyay iyagoo u daneynaya dalka iyo in la kordhiyay xiriirinta adeegga korontada.