Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dagaalka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaac santahay dagaalka ka soo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada BeledXaawo oo deris la ah magaalada Mandera.
Kenya ayaa sheegtay in dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Waxaa ay intaa ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.
Kenya, oo aan si toos ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay soo hubeysay jabhad fallaago ah, ayaa ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo.
Wasiirka Warfaafinta dalwadda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay u sheegay warbaahinta inay ciidanka dowladdu jebiyeen jabhaddii fallaagada”ee soo weerartay.
Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ciidanka dowladdda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan magaalada Beled Xaawo.