Biden oo dib u soo celin doono xayiradaha isku socodka

0
856

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa dib u so celin doono adeegsiga xayiraadd ka dhanka ah isku socodka iyadoona muwadiniinta aan u dhalan dalkaas loo ogalan doonin inay gudaha u galaan.
Dalalka ay xayiraddan sameeyneysa ayaa waxa ku jira Brazil iyo Boqortooyada Ingiriiska halkaas oo nooca cusub ee fayraska corona uu ka soo ifbaxay bilihii la soo dhaafay.
Biden ayaa sidoo kale liiskan ku dari doono dalka Koonfur Afrika sida ay sheegen saraakiisha caafimaadka dadweynaha.
Waxaa sidoo kale la mamnuucayaa inay Maraykanka tagaan dadka ka soo safro Ireland iyo 26 dal oo ku yaalla qaaradda Yurub oo oggol safarrada la isaga gudbo xuduudda
Dr Anne Schuchat, oo ah agaasime ku xigeenka xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee (CDC) ayaa talabadaan ku sheegtay mid lagu badbaadinayo shacabka dalkaas isla markaana lagu yareeynayo halista nooca cusub ee cudurka COVID-19.
Tallaabadan ayaa meesha ka saareysa go’aankii ugu dambeeyay ee ka soo baxay madaxweynihii hore Mareykanka Donald Trump kaas oo ahaa in xayiraadaha saaran Brazil iyo Yurub laga qaadayo laga billaabo berri oo ku beegan 26-ka bishan.
Madaxweyne Biden oo xafiiska la wareegay Arbacadii aynu ka soo gudubnay, ayaa qaadayo talabooyin adag oo lagula dagaallamayo faafitaanka fayraska corona.
Ilaa iyo hadda in ka badan 25 milyan oo qof kuna nool Maraykanka ayaa la xaqijiyaay in uu haleelay cudurka COVID-19.