Madaxweynaha Maraykanka oo shacabka dalkaasi ka codsaday inay qaataan tallaalka COVID19

0
298

Hoggaamiyaha Maraykanka Joe Biden ayaa codsi ah inay dhammaantood qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 u diray muwaadiniinta wadankaasi.
Waxaa uu sheegay in xaaladaha caabuqa ay weli sare u sii kacayaan.
Biden ayaa xusay in dadweynaha oo aan si buuxda u qaadan tallaalka ay hoos u dhigayso dadaalka maamulkiisa uu kula tacaalaya cudurka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in tani ay caqabad ku noqon karto in horumar laga gaaro wax ka qabashada xanuunka si muddo kooban gudaheed dib loogu soo noleeyo dhaqaalaha sii liicaya.