NCIC oo soo gabagabeysay kulamada nabadeed ee Marsabit

0
249

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa soo gabagabeeyay kulamo looga hadlayay arrimaha nabadda oo lagu qabtay ismaamulka Marsabit.
Shirarkaasi waxaa ka qayb galay barasaabka Marsabit , wakiilka haweenka, senetarro , xildhibaanada baarlamaanka , guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka , hoggaamiyaha aqlabiyadda iyo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee dowlad deegaankaasi iyo gole -diimeed .
Tani ayaa timid ka dib amarkii toddobaadkii hore ka soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta xilli uu la kulmay madaxda Marsabit.
Mr. Kenyatta ayaa dhinacyada kala duwan ka dalbaday inay ka shaqeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday ismaamulkaasi.
Guddoomiyaha guddiga NCIC Samuel Kobia ayaa laga soo xigtay in madaxda ay ku heshiiyeen in mas’uuliyad shakhsiyeed iyo mid guud la iska saaro dhaqangelinta waxyaabaha la isla meel dhigay.