DHAGEYSO:Mas’uuliyiin kala duwan oo muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul adxaa

0
551

Iyada oo maanta caalamka islaamka looga dabaal degaya maalinka ciidda carrafo ayaa waxaa muslimiinta farriimo hambalyo ah u diray qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta.
Sheekh Maxamuud Maxamad Shibli ayaa muslimiinta ugu baaqay in ay dabaal degaan oo ay farxad muujiyaan iyaga oo ilaalinaya xuduudda shareecada diinta islaamka si aynan u sameyn waxyaabo aan loo oggolayn.

Waxaa sidoo kale muslimiinta munaasabadda ciidul adxaa ee maanta ugu hambalyeeyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo kula taliyay in ay is xushmeeyaan sidoo kalena isku dulqaataan.
Madaxda kale ee farriintan mid la mid ah jeediyay ayaa kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome , xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale , dhigiisa Ceeldaas Aadan Keynaan Weheliye , barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane , dhigiisa Wajeer Axmad Cali Mukhtaar iyo mas’uuliyiin kale.
Marka laga soo tago hambalyada waxaa bulshada loo soo jeediyay in ay nabadda ku dadalaan sidoo kalena caawiyaan danyarta ku dhex nool.
Barasaabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa dadweynaha xusuusiyay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ayna si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
Mid ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera oo isna muslimiinta u hambalyeeyay ayaa ka codsaday inay madaxda u duceyaan oo ayna yareyaan dhaliisha ka dhanka ah hoggaamiyaasha.