Raila Odinga oo soo jeediyay in sare loo qaado badeecooyinka lagu sameeyay gudaha dalka

0
399

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad u daneynaya in Kenya ay kordhiso warshadaheeda soo saaro badeecooyinka kala duwan.
Siyaasigan ayaa xusay in tani ay kaalin wayn ka qaadan doonto horumarka dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hadii uu noqdo madaxweynaha dalka sanadka 2022-ka uu xaqiijin doono in badeecooyinka ay isticmaalaan shacabka ay badankoodu yihiin kuwo lagu sameeyay gudaha wadanka.
Dhawaan ayay ahayd markii ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya uu ballanqaaday inuu dib u soo noleyn doono dhaqaalaha deegaanada hoose.
Waxaa uu hadda sheegayaa inuu diiradda saari doono taageeridda farsamo yaqaanada sida kuwa baabuurta cillad bixiya, dharka tolo, cuntada kariya sidoo kalena sameeya agabka guriyaha lagu isticmaalo.
Raila Odinga ayaa xusay in aynan jirin waddo fudud oo loo mari karo horumar buuxa sidaas awgeedna uu dhallinyarada fursad u siin doono inay ku tartamaan xirfadahooda.