Saraakiisha sare ee Jubilee oo laga dalbaday in ay is casilaan

0
539

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri Kanini Kega ayaa xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju, guddoomiyaha , Nelson Dzuya iyo ku xigeenkiisa David Murathe ka dalbaday in ay muddo kooban gudaheed xafiisyada baneeyaan.
Waxaa uu sheegay in aynan suuragal ahayn in xisbiga talada haya ee Jubilee uu lumiyo taageeradiisa gobolka bartamaha dalka.
Mr. Kega ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii mas’uuliyiintan aynan is casilin xafiisyada laga saari doono.
Waxaa uu xusay inuu arrinkan dalbadanaya isaga oo u hadlaya siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Tani ayaa timid ka dib markii xisbiga UDA oo lala xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu ku guulaystay qaar ka mid ah doorashooyinkii ku celiska ahaa oo ay ugu dambeysay midii khamiistii ka dhacday Kiambaa oo ka tirsan dowlad deegaanka Kiambu.