Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku sugan gobolka Xeebta si uu u sii wado ololihiisa siyaasadeed ee uu ku doonaya qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Waxaa uu ku boorriyay shacabka ku nool xeebta dalka in ay xiriirka u jaraan hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga oo halkaas taageero badan ku leh.
Dr. Ruto ayaa ku andacooday in Raila uusan lahayn taariikh wanaagsan oo horumarineed sidaas awgeedna aan lagu aamini karin hoggaanka dalka.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay garab ku siiyaan inuu sanadka 2022-ka noqdo madaxweynaha dalka islamarkaana ay taageraan xisbiga UDA.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kilifi ayuu ka codsaday dadweynaha Kenyaanka inay doortaan hoggaamiyaasha isbeddel doonka ah oo wadanka horumar waaro u horseedi karo.