Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la kulmay guddiga doorashooyinka

0
358

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Dhuusamareeb wuxuu kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ee Galmudug oo dhawaan Magaalada Dhuusamareeb gaaray.
Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah ayaa Xubnaha Guddiga waxaay Guddoomiyaha Wakiilada Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay u mareyso arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Labada Gole ee deegaanada Maamulka Galmudug laga soo dooranayo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay Gudigaan inay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho hufan oo lagu wada Kalsoon yahay laguna soo Xusho Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ka soo Galaya deegaanada Maamulka Galmudug.