Sida warbaahinta Gudaha Soomaaliya aya Baahinayso waxaa Meydadka laba wiil oo walaalo ahaa xalay laga helay xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Labadaan Wiil ayaa laga helay Webiga Shabeelle ee Buunda-weyn, kuwaasoo shalay lagu waayay biyaha Webiga, xili ay ku dabaalanayeen sida ay wararku sheegayaan, isla markaana baadi goob dheer kadib la helay iyagoo Meyd ah.
Labada Wiil ee geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadow, iyo Feysal Nuur Cadow, waxaana biyaha Webiga ka qaadeen halka loo yaqaano Kiliga Waraaballe ee xaafadda howlwadaag ee Baladweyne.
Webiga Shabeelle ayaa waxaa horey sidaan oo kale ugu geeriyooday dhalinyaro dhowr ah oo ku dabaalanayay kuwaasoo siyaabo kala duwan Maydadkooda Xili danbe loo helay.