Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo ayaa kulan la yeelatay xoghayaha waaxda dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeya dalalkooda.
Waxay isla soo hadal qaadeen helidda tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 iyo sare u qaadidda barnaamijyada dib loogu soo noleynaya dhaqaalaha Kenya si guud ahaan gobolka.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhawaan Kenya la soo gaarsiin doono 1.7 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ee COVID19.