Saraakiisha booliska ee ka tirsan xaafadda Muringene ee deegaanka bartamaha Igembe ee ismaamulka Meru ayaa awood xad dhaaf ah adeegsaday si ay u xiraan baro wax ka dhigayay dugsiga hoose ee Ntuene.
Waxaa ay tani sababtay in ardayda iyo ciidamada isku dhacaan kuwaas oo kasoo horjeeday in macalinkooda la xiro.
Ardayda ayaa dhagaxaan u adeegsaday ciidamada booliska si ay uga hor istaagaan in la xiro barahooda oo haweeney ahayd.
Dhowr arday iyo hal sarkaal oo booliis ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhacdadan.
Sababta ka dambeysa in la xiro macallimada ayaa lagu sheegay inuu khilaaf dhexmaray iyada iyo ganacsade.
Guddoomiye xaafadeed lagu magacaabo Elphas Mugambi ayaa sheegay in booliska ay soo weerareen iskuulka xilli ardayda ay kujireen xafladda xiritaanka ee fasaxa.
Haweeneyda macallimada oo magaceyda lagu sheegay Ms Alice Ncororo, ayaa sheegtay in booliska ay shan jeer hawada u rideen rasaas si ay ukala aryaan ardayda.
Waxay tiri “Waa wax aan xirfad aheyn in booliisku uu sidaa ula dhaqmo ardayda oo ku sugan goobtooda waxbarasho iyagoona adeegsanaya awoodooda.