Madaxweynaha dalka oo maanta la kulmay hogaamiyaasha ismaamulka Marsabit

0
438

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa khamiista maanta kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee hogaamiyaasha dowlad deegaanka Marsabit taasoo qeyb ka ah dadaalada joogtada ah ee dowlada ay ku dooneyso inay wax uga qabato dhibaatooyinka amniga ee soo foodsaartay ismamaulkaas..
Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada, Nairobi, ayaa lagu muujiyay walaac aad u weyn oo laga qabo dhibaatooyinka is-daba-joogga ah ee ka dhasha isku dhacyada bulshada ee dowlad deegaanka Marsabit.
Xukumadda dalka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa wadaa dadaalo lagu xoojinaya inay nabad waarta ah ka dhalato Marsabit.
Madaxweynaha ooh adlay ayaa wuxuu kula dardaarmay hogaamiyaasha inay adeegsadaan jagooyinkooda si ay u kobciyaan nabada ayna dib u hesiisiin u dhex-dhigaan bulshada ay xurgufta ka dhaxayso.
Mr kenyaatta ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday rabashadaha sababay ,dhiashada,burburka hantida iyo barakaca dadweynaha ee ka dhacay ismaamulka marsabit.