Ciidamada ammaanka ee dalka Ruushka ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 3,000 oo qof xilli dibadbaxyo lagu tagaeerayo hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexei Navalny ee halkaasi ka socdaan.
Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ayaa isugu soo baxay magaalooyin qaar oo ku yaalla dalkaasi iyaga oo dalbanaya in la Alexei Navalny la sii daayo.
Mr .Navalny oo ah nin aad u dhaliila siyaasadda madaxweyne Vladimir Putin, ayaa taageerayaashiisa adeegsada baraha bulshada waxay ku baaqayeen in laga qeybgalo dibadbaxayda la qorsheeyay in ay ka dhacaan 60 magaalo.
Mr .Navalny ayaa ugu yeeray taageerayaashiisa inay mudaharaadaan ka dib markii Axadii la soo dhaafay xabsiga la dhigay xilli uu ka yimid magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Bishii Sideedaad ee sanadki hore ayey ahayd markii la sumeeyay xilli uu safrayay.
Waxaana intaa uusan soo laabanin lagu dabiibayay dalka Jarmalka.
Mas’uuliyiintu ayaa dadka uga digay inay banaan baxaan iyadoo la maamnuucay isu soo baxyada si looga hortagga faafitaanka cudurka COVID-19
Booliska Ruushka ayaa dhanka kale sheegay in dibadbax aan sharci ahayn iyo dandaansi kasta si adag looga jawaabi doono.
OVD-Info, oo ah hey’ad madax bannaan oo si dhow ula socoto dibadbaxayada, ayaa sheegtay in 3,435 qof lagu xiray dalka Ruushka waxaana ka mid ah 1,360 oo lagu xiray magaalada caasimadda ee Moscow halka 523 laga qabtay magaalada St. Petersburg.