DHAGEYSO:Booliska oo gacanta ku dhigay nin qirtay inuu dilay in kabadan 10 carruur ah

0
502

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku haya nin 20 sano jir ah oo laga shakisan yahay dilka laba carruur oo meydkooda laga helay aaga Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay labada carruur da’adooda u dhaxeysa 13 sano iyo 12 sano.
Charles Opindo Bala ayaa la waayay 30-kii bishii hore halka Mutuku Musyoka asna la waayay 8-dii bishaan.
Waxaana markii la waayay carruurta ay ku sugnaayeen xaafadda Shauri Moyo oo ka tirsan deegaanka Kamkunji.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay xaafadda Shauri Moyo ayaa booliska geeyaay goobta meydka labada carruur laga soo helay ee Kabete.
Waxaa uuna sido kale qirtay inuu dilay oo uuna aasay in ka badan 10 carruur ah.
Eedeysanahan oo ay laamaha ammaanka su,aalo weydiyeen ayaa sheegay in carruurta uu ku kala dilay xaafado ku yaala caasiamadda dalka ee Nairobi.
Mid ka mid ah waalidka carruurta meydkooda la helay ayaa sheegay in markii uu waayay canugiisa oo lagu magacaabo Mutuku Musyoka laga codsaday 50,000 oo lacagta dalka ah si uu canugiisa u helo.

Dambi baarayaasha ee dalka ayaa hadda ka shaqaynaya sidii uu ninkaas u geyn lahaa goobaha kale ee uu ku aasay carruurta kale ee maqan.
Caasimadda dalka ee Nairobi ayaa waxaa ku soo badanaysa afduubka loo gaysnaya carruurta yar yar kuwaas oo badana dil loo gaysto marka ay buracdu waayaan lacagaha madaxfurashada ah ay dalbadaan