Madaxa ururka qareenada ee LSK oo la xiray

0
383

Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Nelson Havi ayaa lagu soo warramayaa in xabsiga loo taxaabay.
Ku xigeenkiisa Carolyne Kamende ayaa goor dhow xarigga Havi u xaqiijisay warbaahinta iyadoo sheegtay in laga qabtay xafiiskiisa.
Waxaa hadda Nelson Havi su’aalo lagu weydiinayaa xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Mas’uulkan ayaa loo haystaa eedeyn ah inuu ku xadgudbay madaxa fulinta ee ururka LSK Mercy Wambua ka dib markii ay isku khilafeen kulan lagu waday inuu qabsoomo.