Culimada ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa soo jeediyay in la soo saaro xeer u gaar ah dowlad deegaankaasi kaasoo dumarka muslimiinta ah ka mamnuucaya in ay rakaab ahaan u raacaan mootada.
Waxay sheegeen in qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka aynan u hoggaansamin xeerarka diinta islaamka iyo sidoo kale dhaqanka bulshada Lamu.
Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen in gaadiidka dhugdhugleyda oo halkaasi ku soo batay uu sare u qaaday xumaatada.
Sheekh Maxamad Cabdiqaadir oo culimada Lamu ka mid ah ayaa sidoo kale xusay in ardayda ay ka baxaan dugsiyada iyaga oo ku biiraya ganacsigan tani oo saameyn ku yeelan karto mustaqbalkooda.