Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha Corona Virus ee kenya

0
366

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa manta shacaisay kiisas dhan 188 ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dhecaan dhan 2,354 .
Xaaladaha guud ee COVID 19 Kenya ayaa tan ka dhigtay 188,942
Celcelis ahaan heerarka caabuqa waxaa ay maanta marayaan 8.0 boqolkiba.
Halka 341 bukaan ahna ayaa ka soo kabsadeen xanuunka ,bogsashada guud ayaa maraysa 179,861.
24-kii saac aynu soo dhaafnay wax dhimasho oo la xariirta Corona Virus Kenya lagama diiwaangalin balse dhimashada guud ayaa wali ah 3,723