Barasaabka Migori iyo eedeysanayal kale oo maanta dacwadooda laga bilaabay maxkmadda Milimani

0
354

Waxaa manata maxkmadda Millmani ee magaaladatan Nairobi ka bilabmatay dacwadda dilka ah ee loo heysto barasaabka dowlad deegaanka Migori Okoth Obado iyo laba eedeysanayaal kale.
Xeerilaalinta kiiskan u xilsaan ayaa balan qaaday inay ku cadeyn doonaan dacwada loo heysto Obado, Michael Oyamo iyo Caspal Obiero kuwaas oo dhamaantooda lala xariirinaya inay ku luglahayeen dilka loo gaystay 3 sano ka hor Sharon Otiono oo xilikaas uur lahayd .
Markhaatiyaasha kiiskan ayaa sheegay inay gacan ka gaysan doonaan cadeymo la horkeynayo maxkmadda si ay Sharon u hesho cadaalad.
Sharon waxay la kulantay barasaabka Migoti Okoth Obado bishii Nofeembar ee sanadkii 2017, xilligaas oo ay arday ka ahayd jaamacadda Rongo.
Mr Obado ayaa lagu eedeeyay in canuga ay haweenaydaas uurka ku siday uu aabo u ahaa inkasto uu isagu iska fogeeyay.
Si kastaba baaritaan lagu sameeyay meydka Sharon Otieno ayaa lagu ogaaday inay u dhimatay dhiigbax ka dib markii dhowr meel laga galiyay mindi.