Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa billaabay baaritaano ku saabsan rabshadaha ka socda ismaamulka Marsabit.
Baritaanada ayaa looga gol leeyahay in lagu soo qabto shakhsiyaadka ka dambeeya ama hurinaya dagaal beleedyada ismaamulkaasi ka jira.
Iskudhacyada ayay wararku sheegayaan inay yihiin kuwo qabiil salka ku haya waxayna sababeen dhimashada in ka badan boqol qof halka ay ku barakaceen kumanaan dadka deegaanka ah tan iyo billowgii sanadkan.
Waxaa uu sidoo kale saameyn weyn u geystay waxbarashada ismaamulkaasi maadama iskuulLadii la xiray.
Guddiga NCIC ayaa sheegay in tallaabooyin xooggan laga qaadaya shakhsiyaadka jeediya hadallada naceybka ku saleysan oo lagu hurinaya dagaalada iyo iskudhacyada qabillada.
Guddoomiyaha guddiga NCIC, Dr. Samuel Kobia ayaa sheegay in xubnaha guddigan ay si buuxda ula shaqeynayaan wakaaladaha kala duwan ee dowladda oo baaritaano ku sameynayaa dagal beeleedyada ka dhaca dowlad deegaanka Marsabit .