Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar ugu Maqnaa Dalka Nigeria ayaa manta dib ugu laabtay Magaalada Baydhyabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Laftagareen ayaa dalka Nigeria u tegay Casuumaad uu ka helay Madaxweynaha ismaamulka Kaduna, waxana mudadii uu halkaas ku sugnaa Saxiixay heshiis is afgarad oo ku saabsan,Wadashaqaynta labada dhinac,Iskaashi iyo Mataaneyn Labada Maamul Goboleed.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay shirka Gollaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Kaduna ee Dalka Nigeria,isagoo ka warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa la Filayaa inuu todbaadkaan uga warbixiyo golihiisa Wasiirada shirarkii uu kaga qeyb galay dalka Nigeria.